Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan Laa Qaatay Madaxda ATMIS

 

Muqdisho 18 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Mocallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxda ATMIS Amb. Maxamed El-Amine Souef.

 

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa howlgaladda socda ee dalka looga saarayo Khawaarijta, xaaladaha banii’aadnimo ee ka dhashay El Niño, Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

 

Howlagalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa kaalin mug leh ka qaata Nabad dhalinta Soomaaliya, maadama Soomaaliya ay ka mod tahay dalalka dunida oo ay saamaysay qataraha ka dhashay fikradaha kooxaha aragagixisada caalamiga ah.