Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Jarmalka Ee Soomaaliya

 

Muqdisho 15 Nov 2023; Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth iyada oo looga hadlay nabad dhiska, gargaarka banii’aadnimo iyo dhibaatooyinka fatahaadaha.

Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu ugala shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.