Muqdisho 14 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta qaabilay Jim Haggerty oo ah lataliye Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ee arrimaha Xasillinta iyo hindisaha sookabashada xilli hore.
Inta uu kulanka socday waxaa xoogga lagu saaray dadaddaallada la xiriira arrimaha Xasillinta, sookabashada xilliyada hore iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa adkeeyey sida Wasaaraddu hartabin u siineyso dadaallada Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo hindisaha sookabashada xilli hore isaga oo ka mahadceliyay wadashaqeynta labada dhinac ee mashariicda kala duwan ee lagu hormarinayo Soomaaliya.