Wasiir Fiqi Oo Ka Qaybgalay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah Ee Soomaaliya

 

Muqdisho, 11 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qaybgalay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

 

Wasiir Fiqi oo ka hadlay munaasabadda furitaanka Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa ku boorriyay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay Maalgashtaan Dhaqaalaha Badda, sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa uga baaqay dadka Soomaaliyeed ee wajahaya dhaqaalo yarida dhanka nolasha in ay iyaguna ka faaideystaan khayraadka baddaeena.

 

Ugu Dambayn, Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.