Muqdisho, 07, Nov 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo socday Muddo seddex Cisho ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa si rasmi ah u furay kulanka dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran, agaasimaha oo munaasabadda furitaanka ka kulanka ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.
Kulanka oo lagu casuumay khubaro Soomaaliyeed oo ka shaqeeyo dhanka dib u heshiisiinta ayaa inta uu socday lagu turxaan bixyay tiirasha uu ka koobanyahay Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo kala ah; tiirka 1-aad ee Dhab-u-heshiin Bulsho, Tiirka 2-aad oo isna ah soo celinta xiriirka bulshada, Tiirka 3-aad oo isna ah Abuuridda aragti midaysan, tiirka 4-aad oo isna ah Dhisidda kalsoonida Dadka iyo Dowladda,Tiirka 5-aad Xoojinta Soo Kabashada Bulshada iyo Tiirka 6-aad oo ah Heshiis Dowr.
Ugu Dambayn, Inta uu socday kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran, khubarada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay ayaa ku daray aragtiyo muhiim u ah dhamaystirka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.