Wasiir Fiqi Oo Qaabilay Ergayga Madaxwaynaha Ee Arrimaha Caruurta iyo Xuquuqda Soo Galotiga

 

Muqdisho 07 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo galootiga ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS Marwo Maryan Yaasiin Xaaji.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira qaabka ugu habboon ee loogu adeegi lahaa muhaajiriinta iyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee Dalkooda kusoo noqonaya iyo Badqabkooda.

 

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay muwaadiniintooda u kala haajireen Wadamada daafaha dunida, si loo hubiyo badqabkooda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa masuuliyad iska saartay.