Kulan cilmiyeedka 3-aad ee Maqaasid oo la xiriiray “Doorka Culimada ee Taabogelinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Qaranka”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kaqeybgalay kulan cilmiyeedka 3-aad ee Maqaasid oo la xiriiray “Doorka Culimada ee Taabogelinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Qaranka”. Kulankaan oo socday mudo 2 maalin ah ayaa soo xiray Wasiir Axmed Macallim Fiqi.

 

Ugu horeyn, hadal kooban uu mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya kajeediyay kulankan waxaa uu ka hadlay ahmiyadda nabadda, dib u heshiisiinta iyo waxa ay la isku hayo ay ka weyn yihiin waxa ka dhaxeeya, isaga oo hoosta ka xariiqay in heshiiska uu kuxiran yahay uun wada hadal iyo miiska oo la tago.

 

Heshiiska doorashada qof iyo cod oo lagu galayo xisbiyo, daadejinta xukunka, howlaha ay dowladdu waddo sida Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran, iyo helidda sinnaan iyo cadaalad ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi in looga bixi karo jahowareerka.

Ugu danbeyntii, Warmurtiyeed kasoo baxay kulankan ayaa lagu sheegay in culimada ay aasaas u yihiin Dib u heshiisiinta, iyada oo la booriyay in Dib u heshiisiinta udub dhexaad noqoto, oo manaahijta Waxbarashada lagu daro Dib u heshiisiinta, lagana hortago afkaarta guracan, oo awooddiiyo dhalinyarada iyo haweenka iyada oo Dowladda Soomaaliya lagu ammaanay dadaallada Dib u heshiisiinta.