Kulanka Habraacyada Madasha Maayarrada Soomaaliyeed

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa shir guddoomiyay kulanka tubta iyo habraacyaada habsami u socodka Madasha Maayarada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxaa is afgarad laga gaaray dhammaan qaabka shaqo iyo habraacyada kala duwan.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa horay usoo qabatay arrimo la xiriira tayeynta Dowladaha Hoose, iyadoo Tababarro sare loogu qaadayo tayada iyo khibradda Maayarrada Degmooyinka Soomaaliya u qabatay.