Muqdisho, 01 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Danjire Joachim Wearn.
Kulan ayaa looga hadlay Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Xasilinta iyo heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran.
Dowladaha Soomaaliya iyo Sweden ayaa leh xiriir ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi, iyadoo gudaha dalka Sweden ay ku noolyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay magangalyo siisay Dowladda Sweden.