Muqdisho, 28 Oct 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa ku bogaadisay maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka booliiska tallaabada wanaagsan ee ay u qaadeen dib u soo celinta xarumihii dawladda oo ay ka mid tahay xaruntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.
Soocelinta hantida qaran si ay dowladdu ugu sameyso dib u dhis iyo dayactir waa tallaabo horseedi doonta in xaruntan iyo kuwa kalaba loogu adeego shacabka iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa diyaarisay qorshihii sida ugu dhaqsiyaha badan Dib loogu dhisi lahaa xarunteedii hore.