Maxay Ka Wada Hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Iyo Wafdiga QM Ee Soomaliya

 

Muqdisho 25 Oct 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kuxigeenka ergeyga Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

 

Kulankan inta uu socday waxaa laga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xasillinta, Dhab u heshiisiinta, siyaasadaha loo dhan yahay iyo guud hortabinnada xukuumadda federaalka ah.

 

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada Gargaarka, Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta, siyaasadda loo dhanyahay iyo guud ahaan waxyaabaha xoojin kara Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya.