Muqdisho, 16 Oct 2023, Munaasabad ka dhacday Xarunta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ayaa lagu dhaariyay Xubnaha Maamulaya Xogta ilaalinta u baahan ee Hay’adda NIRA,
Munaasabadda Dhaarinta ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madax ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus, Macallim Xasan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Mudane Abdiwali Timacadde iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Shaqaalaha Raydka Mudane Cali Muumin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ku guulaysatay sharciyadda iyo dhismaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka, si loo hergaliyo Aqoonsiga Dadwaynaha.