Mududug, 16 Oct 2023, Iyada oo laga ambaqaadayo safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo kajaawabista baahiyaha ka jira deegaanka ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo kaashanaeysa Saxiibada Caalamiga ah waxaa ay deeq kuraas iyo miisas isugu jira gaarsiisay Iskuulka degmada taasi oo ay ka faa’ideysan doonaan ardey badan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxaa ay barnaamijyo Xasillin iyo Dib u heshiisiin ah ka fulisay deegaannada lagu xoreeyay cadowga Khawaarijta iyada oo loo diyaargaroobay deegaannada kale ee xorreyntu ka socoto.
Xarardheere ayaa ka mid ah Magaalooyinka Gobolka Mudug ee laga saaray Kooxda Khawaarijta ka dib guluf lagu ciribtiraayo kooxda Khawaarijta oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Dadka deegaanka.