Agaasimaha Waaxda Hay’adaha Aan Dowliga Ahayn Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

 

 

Muqdisho, 15 Oct 2023, Wasiirka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Waaxda Hay’adaha aan dowladiga ahayn Mudane Maxamed Muumin Sugow iyo ku simiha Agaasimaha waaxdaas Mudane Muhktaar Shiekh Cumar, ka dib Munaasabad kooban oo ka dhacday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

 

Mudane Mukhtaar Sheikh Cumar ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Waaxda iyo hiigsiga fog ee waafaqsa qorshaha Wasaaradda Arrimha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Sidoo kale Mudane Maxamed Muumin Sugoow oo xilka la wareegay ayaa uga mahadceliyay Shaqaalaha iyo howlwadeennada shaqada ay qaranka u soo qabteen xilliyo adag.

 

Munaasabadda waxaa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Madax qeybeedyada iyo la taliyaayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kula dardaarmay Agaasimaha Cusub ee Waaxda dardargelinta shaqada Waaxda, sidoo kale Waasiir Fiqi ayaa bogaadiyay Agaasinki hore ee waaxda shaqada ay usoo qabteen Qaranka.