Muqdisho, 14 Oct 2023, Wasiirka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir isla xisaabtan ah la galay la-taliyeyaasha sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Shirkan uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa sidoo kale looga hadlay qiimaynta shaqada lataliyeyaasha, wada shaqeynta kala duwan iyo daadejinta howlaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi oo fadhiga ka hadlay ayaa sheegay in qiimeyntan iyo korjoogteynta noocan ah ay wax badan ka tarayaanb tayeynta shaqada, isaga oo faray Lataliyeyaasha in ay si dhow ula shaqeeyaan Agaasime Waaxeedyada, madax qeybeedyada iyo guud ahaan shaqalaaha kale ee waaxaha, isla markaana ay daadejiyaan howlaha ku xiran, khibradda iyo aqoonta. Waxaa uuna hadakiisa kusoo gabogabeeyay in tani ay qeyb katahay hufnaanta iyo daahfurnaanta ay Wasaaraddu ku shaqeyneyso.