Soomaaliya Oo Ka Qaybagashay Meertada 74aad Ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka

 

Geneva Switzerland, 10 Oct 2023, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir oo ay wehliso Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa xarunta hey’adda UNHCR ee Geneva, Switzerland uga qeybgalay Kalfadhiga 74-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.

 

Kulamada oo socon doona  9 ilaa 13 October 2023 ayuu mudane Ashkir kajeediyay khudbad dhinacyo badan isaga oo ka hadlay xaaladda dalka, midda qaxootiga, meelmarinta shuruuc ay ka mid yihiin qaxootiga iyo barakaca iyo weliba Borotokoolo hagaya barakicinta qasabka sharciyada arrintan la xiriirta iyo sida ay tahay in dhinacyada kala duwan ay uga shaqeeyaan.

 

“Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magangalyo doonka waxaa meelmariyay golaha shacabka, waxaana la horgeyn doonaa Senate-ka si uu uga guto waajibaadka dastuuriga ah. Tani waxaa ay calaamad u tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca bixinta qaab-dhismeedka sharci ee maaraynta arrimaha qaxootiga ee dalka. Waxaan beesha caalamka ka rajeyneynaa in ay naga taageerto dhaqan gelinta sharcigan iyo sidoo kale in la dhiso awoodda hay’adaha kala duwan ee magangalyada kuwaas oo ka wada shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta qaxootiga iyo magangalyo-doonka ee ku sugan meelaha ay ka taliyaan”  ayaa ka mid ahaa Khudbadda Wasiir Ashkir.

 

Ugu dambeyntii, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cabdixakiim Ashkir waxaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda in maalgelin, wadashaqeyn heerar kala duwan, daboolidda baahida qaxootiga soo guryo noqonaya iyo taageeraba la helo ay tahay lagama maarmaan isaga oo si gaar ah u bogaadiyay kaalinta UNHCR.