Muqdisho 06 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kusoo dhoweeyay wafdi ballaaran uu horkacayo hoggaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Firdhiye.
Ugu horreyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay wafdiga kusoo dhoweynayaan caasimadda midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho taasi oo horay taageero u muujisay deegaannadaasi, isaga oo intaa raaciyay in muddada ay joogaan kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya .
Dhankiisa, mudane Cabdiqaadir Fardhiye oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in lagu soo dhoweeyey gurigii umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
“Waan ku faraxsanahay in gurigeenna aan nimid sidan noogula soo dhoweeyo, Muqdisho qof kasta oo Soomaali ah gurigiisii weeyaan, sida caadiga ahna qofka gurigiisa laguma soo dhoweeyo, laakin marka la soo dhoweeyo qiimo gaar ah ayay u yeelaysaa” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.
Mudane Firdhiye ayaa sidoo kale ka hadlay in uu ay Muqdisho yimaadeen kadib casuumaad ay ka heleen xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ay mar walba ka go’antahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliya.
“Waxaan Muqdihso u nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Muqdisho waa hooyada Soomaaliya, SSC waxaa ay ka mid tahay dhulkaas ay hooyada u tahay, innaga waxaa noo qorsheysnaa haddii aan naloo yeerin in aan is keenno. Midnimada qaranka Soomaaliyeed iyo wax wada qabsiga umadda ayaan u taaganahay”.
Soo dhoweynta wafdiga SSC, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha bulshada.