Muqdisho 05 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen; xildhibaano qaran, saraakiil sare iyo hawlwadeeno hey’adaha dawladda ee kala duwan ka tirsan, kaasoo lagu garab istaagayo halganka xaqqa ah ee Khawaarijta ka dhanka ah ee ka socda Koofurta gobolka Mudug iyo daryeelka dhaawacyada jihaadkaas ku soo dhaawacmay ee MUQDISHO la keenay.
Kulanka oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan oo leh heerarka kala duwan ee dowladnimada, kana soo jeeda deegaannadaasi ayaa lagu ballamay in Khawaarijta oo dagaalada socda lagu jabiyey haraadigooda la isdaba dhigo.
Waxaa xusid mudan in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xaq u dirirta deegaannada ee gobolka Mudug ay ceyrsanayaan firdhadka Khawaarijta ku dhuumaalaysanaya goobo yar oo dhaxeeya Mudug iyo Galgaduud.