Wasiir Fiqi Oo Kulan La Qaatay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 

 

 

 

Muqdisho 05 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ku xigeenka cusub ee Ergeyga Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isuduwaha gargaarka Banii’aadnimada  mudane George Conway.

 

 

 

 

 

Inta uu kulanka socday, labada dhinac ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin; dowlad dhiska, nabadda, xasiloonida, dowladaha hoose iyo dadaallada la xiriira banii’aadnimada.

 

 

 

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Qaramada Midoobay ee ku aaddan taageeridda Soomaaliya ee dhinacyada dowlad dhiska, nabadda, xasiloonida, dowladaha hoose iyo dadaallada la xiriira banii’aadnimada.