Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS iyo Hay’adda USAID

 

 

 

 

 

Muqdish 01 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Macallim Fiqi ayaa maanta caasimadda Muqdisho kulan gogolxaar ah kula qaatay madaxa cusub ee hey’adda USAID ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan Jones.

 

 

 

 

 

 

Inta uu kulanka socday arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; wadashaqeynta labada dhinac, xaaladda arrimaha banii’aadnimada iyo diirad saaridda horumarrada kale ee la xiriira qaran dhiska.

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madxda Hay’adda USAID kaalinta ay gaysteen dhinacyada  gargaarka iyo guud ahaan geeddiga Dowlad dhiska ee Soomaaliya