Italy 30 Sept 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo iminka safar shaqo kujooga dalka Talyaaniga ayaa kulan mirodhal ah la qaatay dhiggiisa Talyaaniga mudane Matteo Plantedosi.
Ajendeyaasha kulanka waxaa ugu muhiimsanaa xiriirka labada dal iyo Wasaaradood iyada oo arrimo badan oo iskaashi ah la isla meel dhigay, waxaa kale oo laga hadlay dhibaatada tahriibka iyo sidii loo xadidi lahaa dambiyada ka gudba xuduudaha.
Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa la xiriir Diplomaasiyadeed oo qoto dheer iyagoo iska kaashanaya dhinacyada kala duwan ee dhaqanka, waxbarashada iyo arrimaha la dagaallanka kooxaha Argagixisada Caalamiga ah.