Ciidamada Deegaanka Wanane iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS

 

 

 

 

 

Mudug 24, Sept 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa booqasho iyo dhiirrigelin ugu tagay Macawislayda beesha Waceysle ee ku sugan deegaanka Wanane.

 

 

 

 

 

 

Deegaankan oo ka tirsan tuulada Durdur ee Mudug ayey ku kala warqaateen Wasiir Fiqi iyo qeybaha bulshada deegaanka oo ay ku jiraan odeyaasha dhaqanka iyo xaq udirirka Macawislayda.

 

 

 

 

 

Odeyaasha deegaanka iyo Macawislayda beesha Wacaysle oo warbixin siiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa muujiyay diyaar garowgooda ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyaga oo ka dalbaday dowladda gacansiin dhan walba ah.

 

 

 

 

 

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu bogaadiyay sida geesinnimada leh ee ay ula dagaaleen cadowga Khawaarijta isaga oo carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab siiso dhammaan bulshooyinka ku gadooday dowlad diidka Khawaarijta, garab istaag iyo dhiirrigelinna uu ugu yimid, iyaguna laga rabo in ay u horkacaan baacsiga haraadiga Khawaarijta.