Muqdisho 23, Sept 2023, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka wadatashiga qaran ee u diyaar garowga madasha caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga.
Kulankan oo ay soo abaabushay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo guddoomiye Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradaha kala duwan ee Federaalka ah sida Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, caafimaadka, waxbarashada iyo deegaanka iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, bulshada rayidka ah iyo xubnaha beesha caalamka.
Inta uu shirkan socda waxaa ay kaqeybgalayaashu dib u eegis ku sameyn doonaan qaab fulinta balanqaadyadii 2019-kii iyaga oo sidoo kale laga hadli doono dhameystirka ballanqaadyada cusub ee December 2023.