Xarardhere 21, Sept 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta Xarardheere uga qeybgalay munaasabad Qur’aan akhris iyo Duco ah oo ay sameeyeen culimaa ‘udiinka degmada.
Munaasabaddan oo ka dhacday Masjidka weyn ee Xarardheere ayaa waxaa gebogabadii hadallo kooban kasoo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi isaga oo sheegay in ay adkayd in degmadaasi lagu sameeyo isu soobax duco iyo qur’aan akhris noocan ah xilligii ay joogeen Khawaarijta, kuwaas oo ahaa cibaadodiid, dhibna ku hayay dadka muslimiinta ah.
Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya waxaa uu culimada ka dalbaday in loo duceeyo dowladda iyo ciidanka qalabka sida, isaga oo kula dardaarmay in isku daraan duco, qowl iyo ficil si aanay usoo noqon Khawaarijta.