Dugsiga Xarardheere Oo La Gaarsiiyay Agab Waxbarasho

 

 

 

 

Xarardheere 20, Sept 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, maamulka degmada Xarardheere, xildhibannada baarlamaanka Federaalka ah iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dhalinyaro ka baxday caasimadda Muqdisho agab waxbarasho ugu deeqeen iskuulka degmada Xarardheere.

 

 

 

 

Dhallintan oo iskood isku abaabulay ayaa 100 buug oo ah isugu jira manhajka qaran ee waxbarashada dugsi hoose/dhexe ugu deeqay ardayda degmadan dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta.

 

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabada ay ku dhaqaaqeen dhallinyradan, isaga oo sheegay in ay tahay mid kudayasho mudan, loona baahanyahay in deegaannada la xoreeyay lagu garab istaago marxaladaha horumarinta iyo kasoo kabashada waxyeeladdii Khawaarijta.