Muqdisho 16 Sept 2023; Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdosho ka daahfuray Shirwaynaha Qaran ee Aqoonsiga Dadwaynaha oo ay soo agaasintay Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha(NIRA).
Maareeyaha guud ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka mudane 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐓𝐢𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐞 ayaa ka hadlay 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 isaga oo bandhiggiisa ku sharaxay heerarka ay soo martay hey’adda NIRA tan iyo 2018-kii sida sameynta sharciga, qaadashada shaqaalaha iyo aasaaska xarunta, hadafka qaadashada aqoonsiga, dadka qaadanaya muwaadiniinta iyo kuwa deggan jamhuuriyadda, istaraatiijiyadaha hey’adda iyo tirada dadka la diiwaangelinayo sanadkan ilaa 2026-ka oo noqon doontaa 15 milyan.
Bandhigga Maareeye Cabdiweli Timacadde waxaa kale oo ka mid ahaa; isticmaalka kaarka aqoonsiga qaran oo wax badan ka tari doona waxbarashada, caafimaadka, Bangiyada, tekonoolojiyadda, maaliyadda, duuliska, xuduudaha, baarista dambiyada, gawaari wadis iyo arrimo kale oo muwaadinka u baahdo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo khudabad ka jeediyay Madasha ayaa ka hadlay ahmiyadda arrima Aqoonsiga Dadwaynaha, wuxuuna yiri “ Maanta waa munaasabad ku weyn taariikhda umadda Soomaaliyeed,–waa daahfurka barnaamijka Aqoonsiga Qaran. Ka Wasiir Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ahaan waxaa si gaar ah Sharaf iigu ah in aan idiinkula dabaaldego tallaabo horumar oo noocan ah, oo mirodhal noqotay muddada aan joogo xafiiska Wasaaradda. Waa howl waqti iyo dadaal badan ay geliyeen dad badan oo isugu jira Soomaali iyo saxiibada caalamka. Iyada oo laga duulayo ka go’naanshiyaha iyo rabitaanka siyaasiga ah ee Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadaallada Ra’isul Wasaaraha XFS Mud. Xamsa Cabdi Barre, Aqoonsiga Qaranku waxaa uu horseedi doonaa nabad iyo baraare, waxaa uuna albaabo cusub u furi doonaa horumar qaran”
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay Hay’adda NIRA, isagoo ka hadlayana wuxuu yiri “waxaa mahadcelin mug leh mudan inta kasoo shaqeysay sidii hindisahani uu u noqon lahaa xaqiiq. Waxaan mahadcelin ballaaran ujeedinayaa dowladda Pakistaan oo taageero joogta ah ku bixisay sidii aan u heli lahayn Aqoonsi Qaran oo noo gaar ah, Taageerada iyo ka go’naanshiyaheeda ayaa kaalin weyn ku leh guusha aan maanta joogno.”
Ra’isul Wasaare XFS Mudane Xamze Cabdi Barre oo arrimaha Aqiinsiga Dadwaynaha ka hadalaya ayaa waxaa uu yiri“ Maanta waa maalinta Aqoonsiga Dadweynaha ee caalamka, sidoo kale waa maalin uu qofka Soomaaliga ah ka jawaabayo qofmaa tahay, qofka Soomaaliga haddii uu sheegan jiray reerkiisa iyo beeshiisa, maanta waxaa la taagan yahay inuu dhaho “ Anigu waxaan ahay Soomaali”.
“Aqoonsiga dadweynaha, waxaa uu halbowle u yahay dowladnimadeena, maanta oo loo dabaaldegayo maalinta aqoonsida dadweynaha ee adduunka, waxaa guul u ah shacabaka iyo dowladda Soomaaliya in aan u saldhignay nidaamkaas, waxaan daahfurayaa aqoonsiga dadweynaha, waxaan daahfurayaa shirweynaha Aqoonsiga Qaran” ayuu intaasi raaciyay.
Ugu dambeyntii, ra’isul wasaare Xamse Barre waxaa uu sheegay in kaarka aqoonsiga dartii maanta laga bilaabo ay suuragal noqoneyso in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuri ah, waxaa uu u mahadceliyay dowladda Pakistaan, Bangiga adduunka iyo cid walba oo gacan ka geysatay