Muqdisho 12 Sept 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa maanta ku daahfuray caasimadda Muqdisho munaasabadda soo bandhigidda natiijada qiimeynta barnaamijka (I-Stand) ee Xasillinta.
Khudbad kooban oo uu halkaasi kasoo jeediyay agaasime Caydaruus waxaa uu bogaadiyay shaqada qiimeynta ee dib loo eegayay howlihii laga qabtay barnaamijkan, taasi oo wax badan ka qaban doonta isla xisaabtanka, isla markaana dhiirigelineysa in wax laga barto qaladaadkii jiray, lagana fogaado soo laabashadooda mustaqbalka aan u qalabeyn doonto xarumahaasi.
Iskuduwaha Barnaamijka Xasillinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ramadaan Cilmi oo isna ka hadlay bandhigga qiimeynta lagu sameeyay barnaamijka xasillinta ee (I-Stand) ayaa sheegay inuu barnaamijkan iyo mashaariicda kala duwan ee la fuliyay ay muhiim ahaayeen, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo wax badan ka qabtay kor u qaadista nolosha dadka ee dhinacyada kala duwan, qeybna ka qaatay isdhexgalka bulshada, arrimahaasi oo aaney qabsoomi lahayn haddii aan taageero laga helin saxiibada caalamiga.
Inta uu socday kulanka waxaa laga soo bandhigay barnaamijka (I-Stand) ee Xasillinta iyada oo la dul istaagay guud ahaan qeybaha Barnaamijka (I-Stand), mashaariicda kala duwan ee barnaamijkan ka koobnaa, meelaha laga fuliyay, qaabkiisa, qarashka ku baxay.
Ugu Dambayn, Madasha waxaa kale oo lasoo bandhigay Qiimeynta lagu sameeyay iyo natiijada qiimeynta barnaamijka (I-Stand) ee Xasillinta, iyada oo qeyb ka ahaayeen warbixinta qaabkii qiimeyntan loo sameeyay, goorta iyo goobaha lagu sameeyay, nooca dadka ka qeybgalaya, sida ay mashaariicda kala ahaayeen, ka jawaabista baahiyada, samaeyntooda iyo natiijada oo inta badan ka hadlaysay guulaha la gaaray