Xarardheere 10 Sept 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo kormeeray deegaanno dhaca Koonfurta degmada Xarardheere iyada goobaha ay booqdeen ay ka mid ahaayeen tuulooyin sida; Ceelqalow iyo Dur-dur oo hoodstaga magaalo xeebeedka Xarardheere.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo wafdigiisa ayaa booqashadooda waxaa ay saldhig u ahayd u kuurgalidda xaaladda deegaanadaas ee dhanka bulshada, horumarintooda, abaabulka iyo kor u qaadista wacyiga iyo dardargelinta gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta.
Bulshada deegaanadaas ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ku hayeen kooxaha Khawaarijtu iyo iftiinka nolosha iyo dawladnimada ee ay heleen mudadii sideedda bilood ee la soo dhaafay, sidoo kalena Waxay soo bandhigeen baahiyada kala duwan ee ay qabaan sida iskuul iyo Isbitaal la’aan ka jirta deegaanadaas.
Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyey kaalinta bulshada deegaannadaas ay ku lahaayeen halganka la isaga xoreeyey Khawaarijta iyo Sida ay ugu diyaarsan yihiin dhamaystirka iyo ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna hoosta ka xariiqay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay wax kaqabashada baahiyada dhammaan deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xoreynayo.