Xarardheere 10 Sept 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo mas’uuliyiin wehlisay ayaa maanta booqday saldhigga iyo xarunta CID-da ee degmada Xarardheere.
Mudane Fiqi ayaa ugu horreyn la kulmay Kusimaha ahna taliye kuxigeenka saldhigga degmada Cabdi Maxamuud Salaad (Beylood) iyada oo laga hadlay dardargelinta sugidda amniga degmada, bedqabka muwaadiniita, sifeynta haraadiga Khawaarijta, isku xirnaanta salshigga iyo bulshada iyo arrimo kale.
Wasiirka iyo wafdiga la socday waxaa kale oo ay la kulmeen taliyaha CID ee degmada Xarardheere Xamdi Ceyrow iyada oo wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay warbixin ka siiyay falalka dambi ee ka dhaca degmada, baarista dacwooyinka iyo isla shaqeynta hey’adaha kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa kormeerka ku wehliyey Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, taliyaha saldhigga ee degmada Hobyo iyo taliyeyaasha guutooyinka 3-aad iyo 6-aad ee Ciidamada Gorgor, waxaa uu bodaaiyay howlaha baaxadda leh ee socda, isaga oo u xaqiijiyay mas’uuliyiinta uu la kulmay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qalabeyn doonto xarumahaasi.