Xarardheere, 08 Sept 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa galabta ka qeybgalay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay koox matalaysay Goegor oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo ciyaartoyda ka socotay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Cayaarta oo aad u xiiso badnayd, ayna usoo daawasho tageen qeybaha bulshada iyo maamulka degmada Xarardheere ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay ku adkaatay Kooxda Ciidanka XDS ee Gorgor.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo dhammaadkii kulanka la hadlay shacabka ayaa uu ugu horreyn bogaadiyay isdhexgalka iyo kalsoonida ka dhaxeysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo bulshada Xarardheere, isaga intaa raaciyay in wadajirkoodu ahaa midda degmada looga xoreeyay Khawaarijta haddana lagu raadjoogo haraadigooda.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS waxaa uu dadka deegaanka ugu baaqay in lala shaqeeyo naftood hurayaasha xoogga dalka kuwaas oo har iyo habeen u taagan difaaca, dalka, dadka iyo diinta.