Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Oo Muqdisho Kusoo Gabagabaysay Tababar Ku Dhawaad Todobaad Socday

 

 

 

 

Muqdisho 07 Sept 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydurus Macallin Xasan ayaa soo xiray Tababar la xiriiray Israatiijiyadda xiriirka iyo warbaahinta.

 

 

 

 

Tababarkan ayaa waxaa loo qabtay isla markaaa ka faa’idaystay waaxyaha xiriirka iyo warbaahinta ee Hay’adaha hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya sida Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka, Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha iyo Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

 

 

 

 

Tababarkan oo afar maalin socday ayaa lagu qaatay casharro kala duwan oo kor u qaadaya tayada shaqada xafiisyada Waaxyaha Xiriirka iyo Warbaahinta ee Hay’adahaas hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

 

 

Ugu Dambayn, Madaxda iyo howladeennada xafiisyada ka faaideystay Tababarka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan sida ay uga faaideysteeen maalmaha uu socday Tababarka, waxayna Wasaaradda uga mahadceliyeen ka shaqaynta iyo fulinta Tababarkaan muhiimadda gaarka lahaa.