Xarardheere, 08 Sept 2023; Madax ka socotay Dowladda Federaalka Sooomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galamudug oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa Salaadda Jimcaha kula Tukaday Shacabka ku nool Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo saaladda Jimcaha kula hadlay Jameecada Masjidka Xarardheere ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dabargoynta kooxda khawaarijta ee ka fog Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ka sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka ku dhaqan deegaannada hoos yimaada Degmada Xarardheere looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga oo ay qayb ka noqdaan la dagaallanka sida ay horayba uga qayb ahaayeen.
Ugu Dambayn, Dagmada Xarardheere ayaa ka mid ah deegaannada laga xoreeyay khawaarijta oo mudda u ahayd saldhig ay kasoo maleegaan hagar daamada ay u gaystaan shacabka ku nool gobolka mududug, waxaana hadda dagmadaas kusoo noqday adeegga dowladnimo, iyadoo ay magaalada soo kabanayso.