Xarardheere, Sept 1, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa Todobaadkaan Kulamo dhiiragalin ah la qaatay ciidamada difaaca deegaanka ee Beelaha Saruur iyo Saleebaan.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iuo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ku bogaadiyay ciidankaasi sida nafhurnimada leh ee ay uga adkaadeen Khawaarijta isaga oo ku dhiirigeliyay dhameystirka halganka socda iyo in laga shaqeeyo sidii Mudug oo dhan looga sifeyn lahaa haraadiga codowga Khawaarijta.
Ugu Dambayn, Ciidamada Difaaca shacabka ee baalaha Saruur iyo Saleebaan ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan sida ay ula dhacsanyihiin kulanka dhiirragalinta ee uu la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi xilli ay ku jiraan la dagaallanka kooxaha khawaaarijta si looga ciribtiro dalkeenna hooyo.