Xarardheere, Agoosto 30, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee kunool magaaladaasi isaga oo kala hadlay xaaladda degmada, howlgallada ka dhanka Khawaarijta iyo barnaamijyada lagu horumarinayo bulshada iyo deegaanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Fiqi waxaa uu ka dhageystay maamulka iyo qeybaha bulshada dhibaatooyinka ay soo mareen, baahiyaha hadda kajira degmada, waxyaabaha hortabinta u leh iyo arrimo kale.
Dhankiisa, Mudane Axmed Macallim Fiqi wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu kala hadlay ujeedka socdaalkisa iyo ahmiyadda in gobolkaasi laga ciribtiro Khawaarijta, waxaa uuna si faahfaahsan uga warammay barnaamijka ka dowlad iyo Wasaarad ahaan ay ugu talogaleen dhammaan deegaannada la xoreeyay ama la xoreynayo isaga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay Barnaamijyada Xasillinta, Dhab u heshiisiinta iyo horumarinnada kale ee loo asteeyay degmadaasi Xarardheere ee gobolka Mudug.
Ugu Dambayn, Qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Xarardheere ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan sida ay ula dhacsanyihiin tallaabada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi uu kula kulmay bulshada, isla markaana ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo la tashiga uu la qaatay ee la xiriira ciribtirka khawaarijta.