Wafdi Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Oo Gaaray Xarardheere

 

 

 

Mudug, Agoosto 29, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Galmudug ayaa isaga iyo wafdi labada heer ah oo la socday waxaa ay goordhow gaareen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

 

 

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi ayaa la xiriira dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, dhiirigelinta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka iyo kawarqabka deegaannada la xoreeyay.

 

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JFS ayaa u diyaargarowday sidii barnaamijiyo Xasillin, Dhab-u-heshiisiin iyo qaar kale oo degdeg ah looga fulin lahaa  deegaannada dhowaan la xoreeyay iyo kuwa la xoreeyay.

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka ku hoggaaminaya ciribtirka haraadiga Khawaarijta iyaga kahor wareejinta umadda ee kooxaha argigixisada ay horseedi doonto in la gaaro horumar dal iyo umadeed.

 

 

 

Ugu Dambayn, Odayaasha, Dhalinyarada, Haweenka iyo Culumiada ku dhaqan Xarardheere ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan imitaanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wafdiga uu hoggaaminaayo ee ka kooban Xildhibaannada Heer Federaal iyo Masuuliyiinta heer Dowlad Goboleed.