Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Qaybgalay Siyaarada Khayr Qabe

 

 

Mudug, Agoosto 29, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qeybgalay siyaarada Kheyrqabe oo soo jirtay muddo dheer taas oo ay goobjoog ka ahaayeen Culimada Alhu sunna, jamaacooyin iyo qeybaha bulshada, ujeedkana ahaa Alle bari iyo ladagaalanka Khawaarijta.

 

 

 

Khudbad kooban oo uu mudane Fiqi kajeediyay kulankan sanadlaha ah waxaa uu ku ammaanay Soyaaradaha isaga oo intaa raaciyay in uu goonta ku arkay kheyr, sadaqo, wanaag iyo in lagu taageerayo jihaadka kadhanka ah Khawaarijta.

 

 

 

“Kulankan sanadlaha ah baahi weyn ayaa loo qabaa, waxaa la isku wareystaa arrimaha deegaanka” ayaa ka mid ahaa hadallada Wasiirka.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya mar uu soo qaatay khatarta Khawaarijta ay ku heyso deegaanka waxaa uu yiri “Waa Cadow na dul joogay 3 sano, oo kahor halhal noo deli jiray, qaar cabsi geliyey oo qaxay, qaarna cabsi geliyey oo Shahaadin u qabtay…guri aanay dad ka dilin ma jirin”.

 

 

 

Mudane Fiqi waxaa uu soo qaatay dhibaatada ay Khawaarijta ka geyteen Wisil iyo deegaanno kale iyo sida ay isaga dhiciyeen dadka deegaanka, waxaa uuna bogaadiyay inta horay ugu dhiiratay iyo inta hadda baaarugtayba.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu ugu dambeyntii ku booriyay inta Siyaarada joogtay iyo guud ahaan reer Galmudug in si Khawaarijta looga ciribtiro deegaanka loo baahanyahay ciidan, sahay, baraarujin iyo duco lala garab istaago howlgalka socda.