Kulanka Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda

 

 

Baydhabo, Agoosto 26, 2023; Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow oo safar shaqo ku jooga xarunta Ku Meel Gaarka Koonfur Galbeed  ee Baydhaba, kana qeybgalaya Madasha isdhexgalka Bulshada Iyo Nabadeynta Koonfur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay  odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

 

 

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa  wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xoojinta nabaddda iyo adkeynta heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo u diyaargarowga garowga wejiga 2aad ee la dagaalanka Khawaarijta.

 

 

Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow oo goobta ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda dhab u heshiinta iyo adkeynta wadajirka bulshada reer Koonfur Galbeed, waxaa uuna odayaasha dhaqabka ee deegaanka ku booriyay kaalin mug leh, oo hormuudnimo in ay qaataan udiyaargarowga wejiga 2-aad ee dagaalka lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta kaasi oo dhowaan ka bilaabanayo Koonfur Galbeed.

 

 

Ugu Dambayn, Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan tallaabada Wasiir Sadaad uu ku xogwaraysanaayo dhaqanka KGS, waxayna adkeeyeen in laga shaqeeyo Geeddiga Dowlad dhiska iyo Wadajirka Bulshada iyadoo loo maraayo sarraynta sharciga.