Gaalkacyo, Agoosto 25, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, xildhibaanno heer federaal ah iyo Mas’uuliyiin kale ee heer Galmudug iyo degmada Gaalkacyo ah ayaa maanta duleedka Gaalkacyo kusoo dhoweeyay ciidan iyo gaadiid dagaal oo reer Bacaadweyn ah kuwaas oo ay horkacayeen Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Maxamed Cali Maxamuud (Taam).
Wafdiga ciidanka deegaanka la socday waxaa kale oo qeyb ka ahaa La-taliyaha Arrimaha Siyaasada iyo Xiriirka Barlamanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Zakariye Hassan Ali (Gashaan), Xildhibaano labada aqal ee barlamanka ah iyo masuuluyiin ka socday maamulka Galmudug uu ugu horeeyo gudoomiye kuxegeenka koowaad ee Barlamanka Galmudug.
Ciidankani ballaaran ayaa ka soo ruqaansaday degmada Mirjiicley ee gobolka Galgaduud kuwaasoo loogu talogalay in ay qeyb ka noqdaan gulufka Galmudug looga sifeynayo Khawaarijta isla markaana lagu ballaarinayo nimaadka dowladnimada.
Ciidamada deegaanka iyo Mas’uuliyiinta horkacaya ayaa ku wajahan degmada Wisil halkaasoo dhowaan la filayo in ay ka ruqaansadaan ciidamo isugu jira mileteriga Soomaaliya, Daraawiishta Galmudug iyo ciidamo macawisley ah.