Mudug, Agoosto 24, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa heshiis laga gaaray colaad u dhaxeysa Laba beelood oo walaalo ah oo ka soo kala jeeda degmooyinka Afbarwaaqo iyo Tawfiiq oo dhaca bariga gobalka Mudug.
Beelaha la heshiisiiyay oo kala ahaa Saleebaan Cabdalle- Surre iyo Sheekhaal ayaa la kala wareegay rafisada iyo godobtirka dad ay iska dileen mudadii colaaddu socotey oo gaaraya 9 qofood. Gogosha nabadeed waxaa hogaaminaayay Suldaan Xasan Macallin Saciid iyo Garaad Jaamac Ciise Xirsi iyo guddi 20 xubnood ka koobnaa oo dhexdhexaadinta u xilsaareen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay heshiisiinta beelaha walaalaha ah, ilaalinta heshiisyada la gaaray, ka hortagga wax allaale iyo wixii fidnooyin kale kicin kara, wuxuuna kula dardaarmay dadka deegaanka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo walaaltinnimada.
Isimada dhaqanka, guddigii dhexdhexaadinta iyo oodyaal ka kala socdey, Guddoomiyaasha Degmooyinka Jariiban, Afbarwaaqo iyo Tawfiiq iyo sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ayaguna goobta ka hadley waxayna dhammaan soo dhoweeyeen heshiiska, dardaarmeen ilaalinta nabadda, iskaashiga horumarka deegaanka iyo ka wada shaqaynta dibuheshiisiinta.
Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Fiqi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa howlaha nabadeynta kadib booqday isbitaalka degmada Afbarwaaqo iyo saldhiga booliska degmadaasi.