Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Oo Baydhabo Uga Qaybgalay Madasha Isdhaxgalka Bulshada Iyo Nabadaynta Koonfur Galbeed

 

 

Baydhabo, Agoosto 24, 2023; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyoow oo safar shaqo kujooga Koonfur Galabeed ayaa xarunta KMG ah ee maamulkaasi ee Baydhaba uga qeybgalay Madasha isdhexgalka Bulshada Iyo Nabadeynta Koonfur Galbeed.

 

 

 

Madashan oo sidoo kale ay qeyb ka ahayaayeen bulsho weynta Koonfur Galbeed qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa soo abaabuley Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

 

 

 

Ugu Dambayn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa ku bogaadiyay kaqeybgalayaasha madasha arrimaha nabadda, xasiloonida iyo wada noolaashiyaha taasi oo wax badan ka tari doonta horumarka dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed.