Dowladda Soomaaliya Oo Qalabaysay Qaar Ka Mid Ah Xaafiisyada Degmooyinka Laga Xoreeyay Khawaarijta

 

 

Muqdisho, Agoosto 23, 2023; Muddo sanad ah oo ay socdeen dadaallada dib u xorreynta ee dalka iyo ciribtirka Khawaarijta, si loo adkeeyo xiriirka, loona taageero maamullada iyo bulshooyinka kunool furimaha dagaalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo kaashanaya wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa qalabeeyay xafiisyada maamulka ee degmooyinka Wisil(Mudug), Baxdo(Galgaduud), Maxaas(Hiiraan) iyo Aadan Yabaal(Shabeellada dhexe), iyo weliba qalabeyn xarumo kulmiya dadweynaha kunool degmooyinkaasi kala duwan.

 

 

 

Qalabeynta xafiisyada maamul iyo xarumaha dadweynaha ayaa wax badan ka qaban doona fududeynta adeegyada bulshada ee ay bixiyaan xafiisyada degmooyinkaasi halka qalabaynta xarumaha ee bulshadana ay qeyb ka qaadan doonto isdhexgalka bulshada .

 

 

 

Qalabeyntan ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ciidamada xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay haraadiga Khawaarijta ku baacsanayaan meelo ka mid Galmudug iyo Hirshabelle.

 

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka duulaysa hagidda Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi waxaa ay mashaariic kala duwan ka fulisay dhammaan deegaannada la xoreeyay, iyada oo loo diyaargaroobay kuwa la xoreynayo.