Gaalkacyo Agoosto 14, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku sugan xarunta Mudug ayaa maanta kaqeybgalay qado sharaf ay sameeyeen dhaqanka magaalada Gaalkacyo.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Wasaardda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta XFS iyo mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, midda Galmudug iyo gobolka, waxaana la is dul istaagay arrimo ay ka mid yihiin amniga, xasillinta, dib u heshiisiinta iyo qaar kale.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maalmahaan u joogay Magaalooyinka kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug arrimo la xiriiray Wajiga 2-aad ee Howlgalka Libaaxa Madow ee dalka looga saarayo Kooxda Khawaarijta. Wasiir Fiqi ayaa hoggaaminayo Arrimaha la xiriira Howlgalka aan Militry-ga ahayn oo lagu gaarsiinaayo deegaannada iyo degmooyinka laga saaro khawaarijta adeegga dowladnimo.