Madasha Sanadlaha Ee Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha DFS Iyo DG Oo Lagu Qabtay Muqdisho

 

Muqdisho Agoosto 12, 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya ku qabatay Meertada 2-aad ee Madasha Sanadlaha ah ee Agaasimiyaasha Guud Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-heshiisiinta XFS.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallim Xasan ayaa kulanka Daahfuray, isagoo qaada dhigay ahmiyadda iyo ujeedooyinka laga leeyahay Madasha Agaasimaiyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka.

 

Agaasmiyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa hadlay ahmiyadda kulanka Madasha Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha ee Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, sidoo kale Agaasimayaasha ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, caqadaha soo wajahay iyo qorshayaasha xiga oo ah ku waafqsan kan Dowladda Federaalka Soomaaliya.