Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Oo Ka Qaybagalay Munaasabadda Caleema Saarka Golaha Deeganka Degmada Buur Hakaba

 

Buur Hakaba, Agoosto 07, 2023; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiint XFS Mudane Saadaad axmednuur Caliyow oo uu wehliyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Mxamed Laftagareen ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Caleema Saarka Guddoonka Golaha Deegaanka ee Degmada Buur Hakaba, Gobolka Baay.

 

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa sidoo kale waxaa ka qaygalay Madaxda ka socota Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Taliyaha Qaybta 3-aad ee Ciidanka ATMIS, Saraakiisha laamaha amniga heerarkooda kala duwan, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada degmada Buur Hakaba.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Buur Hakaba oo kasoo qaybgalay Munaasabadda Caleema Saarka Guddoonka Golaha Deegaanka Demada Buur Hakaba ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan in yeeshaan gole deegaan, sidoo kale waxay u mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Ugu Dambayn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Caliyow oo ka hadlay Munaasabadda Caleema Saarka ayaa u mahadceliyay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Madaxwaynaha Dowlad Gobolaadkaas iyo Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS iyo Hay’adda FCA oo gacan ka gaysatay dhismaha Golaha Deegaanka. Sidoo kale Wasiir Saadaad ayaa kula dardaarmay Guddoonka cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Buur Hakaba in ay Dadkooda iyo deegaankooda ugu adeegaan si daacadnimo ah.