Wasiir Fiqi Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Qaran ee Dugsiyada Sare Ee Dalka

Muqdisho Agoosto 05, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ku wehliyay Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo mas’uuliyiin kale kaqeybgalka Xafladda shaacinta natiijada dugsi sare fasalka 12-aad ee xilli dugsiyeedka 2022/2023.

 

 

Xafladdan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre waxaa uu hambalyeeyay ardayda Soomaaliyeed ee gudubtay, isaga oo si gaar ah shahaado sharaf guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanka iyo qaar ka mid ah ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda imtixaanka qaranka oo sugayey amniga.

 

 

Sidoo kale, Munaasabadda ayaa looga mahadceliyay Hoggaannada iyo saraakiisha Ciidanka Bilayska Soomaaliyeed oo kaalin wayn kulahaa qabsoomidda imtixaanka, gaar ahaan iyagoo u xilsaarnaa badqabka kormeerrada, Macallimiinta waardiyayanaysa imtixaanka iyo ardayda galaysa intuba. Iyagoo sidoo kale u xilsaarnaa ilaalinta warqadaha imtixaanka.

 

 

Ugu Dambayn, Imtixaanka qaran ee Dugsiyada sare dalka ayaa waxaa sanadkaan kaalinta 1-aad u galay Deeqa Maxamed C/laahi oo ah Ardayad wax ku soo baratay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare ee Faanoole oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.