Wasiir Fiqi Oo Shirguddoomiyay Kulanka Billaha Ee Wasaaradda

Muqdisho Agoosto 05, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo shirguddoomiyay kulanka billaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda.

 

 

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa looga hadlay waxqabadka Wasaaradda ee bishii tagtay iyo waxyaabaha u qorshaysan Wasaaradda oo ay tahay in la qabto bisha xigta.

 

 

Agaasimiyaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa soo bandhigay waxqabadka iyo guulaha laga gaaray shaqada bisha lasoo dhaafay, cabaqadaha ay la kulmeen iyo sida lagu xallin karo. Sidoo Madxda mashaariicda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa iyagun dhankooda soo bandhigay waxqabadkooda ku aaddan bishii tagtay.

 

 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Sadaad Caliyow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Abdihakim Xasan Ashkir oo ka hadlay madasha ayaa si wadajir ah u tibaaxay ahmiyadda ay leedahay in la dardargeliyo shaqada qaranka, gaar ahaan waaxyabaha ay xil saarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XF Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen Madaxda iyo Howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, sidoo kale Wasiirka wuxuu faray in la dardargaliyo shaqada si guul looga gaaro u adeegista Ummadda Soomaaliyeed.