- July 30, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Luulyo 30, 2023; Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Xassan Ashkir ayaa Shir Guddoomiyaya kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Ergayga UNHCR ee Geeska Afrika, wakiilka Hay’adda UNHCR ee Soomaalia, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS
Wakiilka Hay’adda UNHCR ee Gobolka Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayay Wafdiga ayaa waxrbixin ka siiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha xaaladda qaxootiga Soomaaliya ee geeska Afrika iyo waxyaabaha ay ka caawisay Hay’adda UNHCR, iyadoo ay kulanka ku wehliyeen Wakiilka UNHCR Soomaaliya & Masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo qayb ka ahayd kulanka ayaa kulanka sheegtay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku dhaqan gudaha dalka.
Ugu Dambayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdikahakim Ashkir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNHCR caawintooda ku aaddan guud ahaan qaxootiga, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.