Wasiir Saadaad Oo Ka Qaybgalay Daahfurka Dib-u-eegista Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed

Muqdisho Luulyo 26, 2023; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa maanta ka qeybgalay madal looga hadlayay wadashaqeynta booliiska iyo xeer ilaalinta iyo Daahfurka Dib u eegista Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 

Wasiidu dowle Mudane Xildhibaan Saadaad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka shaqeyso Cadaalad sida howlaha Dib u heshiisiinta. Shirarkan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurla, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xassan Macallin ayaa u mahadceliyay ka soo qaybgalayaasha sidoo kale ku dheeraaday sida ay Xukuumadda Dan-Qaran uga go’antahay tayaynta iyo kor-u-qaadista Garsoorka iyo Caddaalada Dalka. Wuxuu intaa ku daray in ay qorshaha dhaw ee Wasaaradda ku jirto abuurista guddi Qaran ee dib u habeynta shuruucda dalka.

 

Dhammaan madaxdii iyo aqoonyahanadii ka hadlay madasha daah-furka dib-u eegista habka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, ayaa bogaadiyay soona dhaweeyay in dib u eegis iyo casriyayn lagu sameeyo habka Xeerka Ciqaabta iyo guud ahaan shuruucda dalka ee u baahan in la horumariyo.