Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qabatay Kulanka Ansixinta Istaraatiijiyadda Uqareemidda Haweenka Ee Ka Qeybgalka Dowladaha Hoose

 

 

Muqdisho Luulyo 23, 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka  iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay  caasimadda Muqdisho kulanka Ansixinta Istaraatiijiyadda Uqareemidda Haweenka ee Ka Qeybgalka Dowladaha Hoose.

 

Kulankan uu guddoominayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Haweenka ee dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir Agaasime Waaxeedyo, lataliyeyaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee federaalka ah iyo mas’uuliyiin kale.

 

Agaasime Caydaruus Macallim Xasan oo fadhiga ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda Istaraatiijiyadda iyo heerarka ay soo martay isaga oo ka yiri “Waa maalin muhiim u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo wasaaradaha haweenka, waa maalin aan uga tashanayno arrin na dhextaallo, heerarka kala duwan ayay soo martay dowladnimada, dadaallo badan ayaa loo soo galay in muwaadinka uu doorto ciddii matali lahayd, hadda waxaa loo socdaa in degmooyinka ay doortaan maamulkooda, waxaa muhiim noqotay in la hubiyo kaqeybgalka Haweenka”.

“Si ka duwan magaalooyinka waawey, Istaraatiijiyadda ujeedadeeda waa in la hubiyo in Haweenku ay qeyb ka noqdaan dowladnimada, gaar ahaan dowladaha hoose, in la doorto, ayna wax doortaan, in ay kusoo baxaan maamulka sare ee degmooyinka sida Moyors-ka iyo in ay wax la qeybsadaan shaqaalaha weynaha Caalamka” ayuu intaa raaciyay mudane Caydaruus.

 

Lataliyaha dhinaca Dhaddigga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Marwo Sacdiyo Maxamed Cumar ayaa kulanka Ansixinta Istaraatiijiyadda Uqareemidda Haweenka ee Ka Qeybgalka Dowladaha Hoose kusoo bandigtay Istaraatiijiyadda, iyada oo faahfaahisay qodobbadeeda.

Inta uu bandhigga socday, arrimaha ay dul istaagtay waxaa ka mid ahaa ujeedada Istaraatiijiyadda ee dhinacyada matalaadda haweenka, xaqiijinta ka qeybgal siyaasadda gaar ahaan dowladaha hoose, caqabada jira, kor u qaadista qoondada haweenka, u qareemidda iyo dhammaan kaalintooda dhismaha dowladaha hoose.

 

 

Ugu dambayn, Gebogabadii Kulan ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee federaalka ay ugu qabatay Muqdisho Ansixinta Istaraatiijiyadda Uqareemidda Haweenka ee Ka Qeybgalka Dowladaha Hoose ayey agaasimeyaashii guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Haweenka ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir u gacan taageen iyaga oo si aqlabiyad ah  ku meelmariyay si ay hadda wixii ka dambeeya ugu gudubto wejiyada iyo habraacyada xiga.