- July 22, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Luulyo 22, 2023;Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa Muqdisho ku daahfuray Kulaka Ansixinta Hindise Sharciyeedka Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Agaasimayaal iyo Lataliyeyaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Mudane Saadaad oo ka hadlay kulanka ayaa yiri “Fursadani waxaan rabnaa in dadka naga dambeeya ay naga dhaxlaan wax la taaban karo, oo ay ugu horeeyaan soo saaridda kaadiriin”.
“Machadkan waxaa uu qeyb ka qaadan doonaa in la daadejiyo dowladnimada, oo la fahamsiiyo howlaha federaalka iyo nidaamka dowladnida” ayuu intaasi ku daray Wasii Dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamed.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo ka hadlayay awoodaha Machadka Dowladaha Hoose ayaa yiri “ Hindise Sharciyeedka ujeedkiisu waa In la helo Machad gaar u ah dowladda hoose, oo ku dhisan hannaaka federaalka, Machadku waa inuu laamo ku yeesho dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, waxaana hadda diyaar ah siyaasado iyo manhaj, maantana waxaa idiin horyaallaa inaad anxisiyaan si loogu gudbiyo hey’adaha ay khuseyso”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan Cabdulle, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ansixinta maanta kadib, Hindise Sharciyeedka Machadka Qaran la horgeyn doono hey’adaha dowladda federaalka si uu u maro habraacyada loo baahnaa isaga oo yiri “Burburkii kadib waxaa soo badanaya degmooyin badan oo leh goleyaal deegaan iyo nidaam ay ku shaqeeyaan, kuwaasi iyo kuwa kale ee dhismaha waan garanaynaa heerka aqoontooda, wasaaraddu waxaa ay aragtaa ahmiyadda kor u qaadista xaaladaha iyo aqoonta, Waxaa la diyaariyay sharciga Machadka Qaranka ee dowladaha hoose, manhaj, maanta waxaan u joognaa ansixin si uu kadib u maro habraacyada kale”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mustafa Cabdullahi Xasan oo ka hadlay kulanka Ansixinta Kulanka Ansixinta Hindise Sharciyeedka Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay in aan kasoo qeybgalno kulankan muhiim u ah hortabinnada dhismaha dowladaha hoose, waa kulan lagu ansixinayo Hindise Sharciyeedka Machadka Qaran ee Dowladaha hoose, waa gebogabada wadatashiyo kala duwan oo aan 5 sano soo wadnay. Machadkan dhismahiisu waxaa uu muhiim u yahay maamul daadejinta, tababaridda iyo dhammaan kaabayasha dowladaha hoose, latashiyo ayaa soo socday, maantana mirdhalkiisa ayaan u nimid taas oo ah anisixinta Hindise Sharciyeedka, Ansixinta sharciga kadib waxaan rajeynayaa in dowlad goboleedyada ay daadejiyaan, lana fuliyo, oo laga hirgeliyo dhammaan dowlad goboleedyada.”